Taliyaha guud ee ciidamada dawlada Federalka Soomaaliya ayaa warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay taliyaal cusub oo mid noqnaya Saraakiisha Galmudug halka kuwo kalana xilkii laga qaaday loona wareejiyey xilal kale.
Taliyaha guud ee ciidamada dawlada Federalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xassan Maxamed (Xijaar) ayaa magacaabey Taliyaha ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedka Galmudug u magacaabay Mudane Bishaar Abshir Geedi Taliyaha cusub waxaana uu xilkii ka qaadey taliyihii hore Col. Cabdikariim Macalim Xuseen, waxaana loo beddelay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha oo isagu noqonaya taliye cusub ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Galmudug yeelaynayso.
Warqadan kasoo baxday Xafiiska Taliska guud ee ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale Sareeye guuto Cali Xirsi Barre loo magacaabey hoggaanka caafimaadka ciidanka Booliska ee Galmudug.
Ciidamadan Booliska iyo Milatariga ee maamulka Galmudug ayaa si toos ah u hoostagaya Dawlada Federalka ee Soomaaliya halka qaar kamid ah maamul goboleedyadu ay iyagu xukumaan ciidamadooda oo magacaaban ama bedelaan hadba taliyihii ay doonaan.