Nin Gannacsade ah oo xalay lagu dilay Muqdisho

Home Wararka Somalia

Dablay hubaysan ayaa xalay Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dishay Marxuum Cali Naaleeye  oo lagu naynaasi jiray (Cali Barkhadle), kana mid ahaa Ganacsada goboka Banaadir,dilkaasi kadibna waxay isaga baxsadeen goobtii uu dilkaasi ka dhacay.

Dablayda ayaa Maruxuumka waydiistay Mobile uu watay sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ee Caasumada Somaliya.

Ciidamada iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa Meydka ka soo qaaday goobta, waxaana intaas kadib Ciidanka la sheegay inay bilaabeen howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilka Cali Barkhadle.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah dadka loogu geystaan dhac, iyadoona rag hubeysan oo burcad ah ay dadka ka qaataan waxyaabaha ay wataan, waxaana mararka qaarkood dhacdo in qof la dilo, kadina dhac loo geysto.