Mas Xalay 2 Caruur ah ku Dilay Gobolka Sanaag.

Home Wararka Puntland Wararka Somalia

Labo Caruur ah oo wali aan qaan gaarin ayaa xalay Mas xiligii habeenimadii ku dilay Miyiga deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Caruurta Maskaasi cunay.

Labo Caruur ah oo da,doodu kala tahay 5 Sanno jir 7 jir ayaa maskaan uu xalay saqdii danbe ku qaniinay deegaanka xingalool iyagoona markii danbe labadiiba u dhintay Qaniiyada Maskaas.

Qoyska Dhalay caruurtan iyo dhowr nin oo kale oo reer guuraa ah ayaa maskii xalay caruurta qaniinay raadkiisa qaaday waxaana ay ka heleen meel god ah uu ku gabaday iyagoona markii danbe ku dilay godkii loogu tagay.

Sidoo kale Saaka waxaa aas loogu sameeyey caruurtii xalay Masku qaniinay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.