Madaxweynaha Jubbaland oo ku Dhawaaqay inuu Shir la qaato Cidwalba oo kasoo horjeeda Maamulkiisa

Home Wararka Somalia

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu shir la qaato ciwalba oo dhaliilaysa maamulkiisa iyo doorashadii uu ku soobaxay ee madaxweynaha jubaland ku noqday.

Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo Furayey Shir dib u heshiisiin ah oo laga bilaabay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka shirro dheeyana kalana hadlo ciwalba oo wax ka tabanaysa maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Jubbaland ku dhisantay Rabitaan Dadweyne isla markaana ay hadana ku dhisantahay isla rabitaankii lagu dhisay shalay ayna diyaar u yihiin dhawamaynta khilaaf walba oo kasoo horjeeda maamulka xiligan jira.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xili ay soo hagaagayso siyaasada Soomaaliya gaar ahanaa Mida Jubbaland iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya taasoo markii hore kala aragti duwanaansho badan ay ka jirtay