Miyiga deegaanka Mareer oo 35Km dhanka Xeebta ka xigta degmada Jariiban ayaa saaka waxaa ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah kadib markii uu roobku ku helay meel cidlo ah.
Roobkii saaka ka da,ayey deegaanadaasi ayaa watay dabayl aad u qabow taasoo keentay in ninkan dhalinyarada ah intuu u adkaysan waayo uu u cararay dhanka gurigooda oo ku yaalay miyiga deegaankaasi markii uu guriga tagay oo shay la huwiyeyna la arkay isagoo mayd ah waxaana Ehelada Wiilkaasi ay sheegeen in Kalyuhu istaageen qabow awgiis isla markaana uu sidaasi ku geeriyooday.
Gudoomiyaha degmada Jariiban Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka xoolo dhaqatada ah inay isaga guuraan goobaha ay kusoo dhacayaan biyaha xoogaleh sida togaga iyo dhulka meelaha uu u godanyahay.
Dhanka kale deegaan Xeebeedka garacad ee degmada Jariiban ayaa iyana waxyeelo uu gaarsiiyey roobkaasi iyadoona guryo uu ka dumiyey deegaankaasi.