Heshiis hordhac ah Balaarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaas:

Wararka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis is-af-garad oo ku saabsan  maalgashiga iyo horumarinta Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso, kaasi oo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ay la  gashay Shirkadda Transport Infrastructure Services Limited ee dalka Imaaraadka.

Heshiiskan oo ah is-af-garad ayaa ah mid maalgashi isla markaasina lagu horumarinayo Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, waxaana qeyb ka ah sidoo kale heshiiska dhammeystirka Garoonka, iyo horumarinta oo loo qorsheeyay in uu noqdo mid heer caalami ah.

 

Dowladda Puntland oo dhowaan qabatay Shirkii Maalgashi ee noociisu ahaa kii ugu horeeyay Soomaaliya, ayaa xooga saaraysa maalgashiga, horumarinta iyo sidii Indhaha adduunka loogu soojeedin lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Mohamed Al-kheyli oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Transport Infrastructure Services Limited. Wixii  xogo dheeri ah oo ku saabsan masuuliyada labada dhinac waxaa loogu ballamay kulamo danbe.