Trump oo baajiyey Safar uu ku tagi lahaa Denmark kadib codsigiisii in laga iibiyo Jasiirada Greenland

Caalamka
Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/Shutterstock (10358411u)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa asbuucii hore faafiyey war ah inuu doonayo in dalkiisa uu iibsado Jasiirada dunnida ugu weyn ee Greenland oo hoos tagta wadanka Denmark.

Hadalka Trump ayaa waxaa si adag uga jawaabtay Raysalwasaaraha Denmark Mette Frederiksen oo codsigaasi ku tilmaamtay mid aan “Caqli-Gal” ahayn. Arrintan ayaa keentay in Trump uu ku dhawaaqo inuu baajiyey safarkii uu dhamaadka bishan Agoosto ku tagi lahaa wadanka Denmark.

Jasiirada Greenland oo 80% dhulkaasi uu fadhiyo baraf ayaa ah mid la filayo in mustaqbalka ay qani ku noqoto dhanka macdanta iyo Shidaalka, balse codsiga Trump ayaa la yaab ku noqotay dowlada Denmark.

Horseed Media
News Deks

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *