Burkina Faso: Askar badan oo lagu dilay weerar argagaxiso

Caalamka

Weerarkan oo ka dhacay gobalka Soum maalinimadii shalay ayaan la ogeyn kooxda ka danbeysa, waxaana weerarkan lagu burburiyey qeyb kamid ah saldhigii ay ciidamadaasi degenaayeen, waxaana weli la la’a yahay qaar kamid ah askartii halkaasi ku sugnaa oo la rumeysan yahay in la dilay, tirada dhimashada ayaa la filayaa inay ka badan tahay 20 askari.

Dalkaasi Burkina Faso ayaa kamid ah wadamada sameystay isbaheysiga ciidamada ee Galbeedka Afrika ee kala ah; Chad, Mali, Mauritania iyo Niger oo taageerada militari ka hela dowlada France, ciidamadaasi oo la dagaalama kooxaha xagjirka ah ee gobalkaasi ku sugan.

Kooxda inta badan weerarada ka geysata dalkaasi Burkina Faso ayaa lagu magacaabaa Ansarul Islam oo awood ku leh dalkaasi iyo xaduudaha uu dalkaasi laleeyahay wadamada; Togo, Mali iyo Benin.

Horseed Media
News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *